Home Xogta Dahsoon Axmed Cali Daahir oo faahfaahiyey wararkii ugu dambeeyey dacwadda Badda ee Kenya...

Axmed Cali Daahir oo faahfaahiyey wararkii ugu dambeeyey dacwadda Badda ee Kenya iyo Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer ilaaliyihii hore ee Qaran Axmed Cali Daahir oo la hadlay BBC-da ayaa faah-faahiyay dhageysiga dacwadda badda oo maalin kadib ka bilaabaneysa Magaalada The Hague ee Dalka Netherlands (Holland).

Wafdiga Soomaaliya metalaya waxaa kamid ah: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Erygayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka & wakiilo kala duwan oo Soomaaliya ka socda.

Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka oo faah-faahiyay kulamadii ugu dambeeyay tan & markii ay tageen Holland ay sameeyeen & rajada ka muuqata difaacista badda Soomaaliya balse muranka Kenya gelisay.

“Waxa aan heynaa qubaro Sharci oo difaacaya badda, Rajadeena ma xumo oo haddii alle idmo waan ku kalsoonahay in naloo xukumo, Dowladda Soomaaliyeed waa dhibbane oo bad ay leedahay ayay sheeganeysaa Kenya, ilaa saddex jeer oo lagala hadlay wax way socon waayeen, waxa ay ka caga-jiiday in Soomaaliya lagu shiro ama xitaa jabuuti uu is aragga ka dhaco, sidaas darteed ayaa loo huri waayay dacweynta Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 24-ka Maarso 2021 oo la eg muddo ballameedka la siiyay Dowladaha Soomaaliya & Kenya, balse natiijada xiliga la sugayo  ayuu ku tilmaamay in ay ku xiran tahay Maxkamadda kana madax-bannaan tahay labada Dowladood.



Source link