Home Warka Maanta Axmad Macalin Fiqi oo weerar ku qaaday Ilhan Cumar kana hor yimid...

Axmad Macalin Fiqi oo weerar ku qaaday Ilhan Cumar kana hor yimid qaraar u gudbisay Joe Biden

Wasiirka amniga maamul goboeedka Galmudug Axmad Macalin Fiqi ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Ilhan Cumar oo katirsan Baarlamanka Mareykanka iney faraha kala baxdo duqeymaha Soomaaliya uu ka fuliyo Mareykanka.

Fiqi ayaa sheegay in warka Ilhan uu u muuqdo iney afayeen u tahay Al shabaab maadama duqeymihii ugu dambeeyay ay sheegtay iney ku dhinteen dad shacab ah halka Fiqi uu xusay in Al shabaab oo kaliya lagu laayay.

Hoos ka akhriso qoraalka Axmad Macalin Fiqi:

Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.

Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno.

Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!

Waxaan ka mahadcelinaynaa taageerada dhanka cirka ah ee ciidamada maraykanku ay siinayaan Dawladda Soomaaliya si gaar ah midda Miraha la taaban karo keentay ee Galmudug ay ka wadeen todobaadyadii la soo dhaafay.

Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.!

Dumaashi dagaalka nala soo gal!

Muqdisho-Somalia

Source link