Madaxwaynaha Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa ugu qoran (National ID) in uu ku dhashay Jalalaqsi (Soomaalia).
R/wasaaraha Xamza Cabdi Barre waxaa ugu qoran in uu ku dhashay Kismaayo (Soomaaliya).
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, waxaa ugu qoran (National ID) in uu ku dhashay Baabile (Itoobiya).
R/wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, waxaa ugu qoran in uu ku dhashay Ceer-gaabo, wuxuuna diiday in loogu qoro Soomaaliya.
Howladeenka ka socda waaxda diinwaangelinta (NIRA) ayaa waxaa r/wasaare ku-xigeenka si cad ugu sheegay in magaca Soomaaliya aan loogu qorin (National ID) ama loogu diinwaangelin dhalashadiisa Soomaaliya.
Hay’adda Diinwaangelinta (NIRA) waxaa saaran mas’uuliyad in meel bannaan una baahan in la buuxiyo ay ka tagaan ……. iyada oo maran aan la buuxin.
Hay’adda diinwaangelinta waxa ay si ula-kac ah uga reebtay magaca Soomaaliya (National ID) Mr. Saalax ama ay tixgeliyeen codsiga mas’uulka diidan magaca Soomaaliga.
Arrintaan waxa ay daaha ka qaaday in Mr. Saalax oo horeyba fagaare badan uga sheegay in uu Somalilander yahay, islamarkaasna aanu aaminsanayn midnimada Soomaaliyeed.
Madaxwaynaha iyo r/wasaaraha ayaa looga fadhiyaa tilaabada ay ka qaadaan fadeexadaan iyo waji-gabaxaan in dalka uu r/wasaare ku-xigeen uu ka noqdo shakhsi diidan midnimada Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo xusid mudan in socdaalkii ugu dambeeyay ee Mr. Saalax iyo wasiirka Maaliyadda ay ku tageen dalka Ruushka sida wargaysyada qaarkood ay qoreen ku buunbuuniyeen qadiyadda Somaliland iyo sidii Somaliland ictiraaf u heli lahayd meelo badana laga tabiyay wararka qarsoodiga ah ay la wadageen dowladda Ruushka.
Jawaab waxaa looga fadhiyaa madaxda Soomaalida iyo hay’adda Diinwaangelinta (NIRA) sida ay uga xadfeen ama looga reebay dhalashada Mr. Saalax in uu ku dhashay Soomaaliya, mas’uuliyiinta kalena loogu qoray Soomaaliya.
Muqdisho-Somalia