Machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay soo bandhigay qaab dhismeedka Al-Shabaab, oo madaxdoodu ah kuwa is qariya oo aan la aqoon.
Hab dhismeedka ururka ayaa muddooyinkii dambe u sii dhawaanayay sida dowlad casri ah, wuxuuna isu-bedelay xukuumad leh dhamaan hay’addaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, sida lagu sheegay warbixinta.
Xarakada ayaa waxaa xiligan ugu sareeya Amiirka Axmed Diiriye, waxaana kaaliyeyaal u ah ku-xigeenkiisa oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan iyo Afhayeenka guud Sheekh Cali Dheere.
Al-Shabaab ayaa leh 13 Amiir oo u dhigma Wasiiro, kuwaasi oo midkasta u xil saaran yahay shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradaha oo kale, kuwaasi oo kala ah;
Amiirka Milateriga (Ciidamada): Yaasir Jiis
Amiirka Amniyaatka: Gees Cadde
Amiirka Muhaajiriinta: Macalin Salmaan
Amiirka Qaraxyada: Cabdullaahi Cusmaan
Amiirka Maaliyadda: Cabdikariim Horseed
Amiirka Cadaaladda: Sheekh Axmedeey
Amiirka Xisbada (Booliska): Mahdi Axmed Xuseen
Amiirka Dacwadda: Cabdulaahi Yare (Nadiir)
Amiirka Sakada: Macallin Geesoow
Amiirka Warfaafinta: Cabdullaahi Cusmaan
Amiirka Caafimaadka: Cali Ibraahim Geesey
Amiirka Siyaasadda: Xuseen Sheekh Cali Fiidow
Amiirka Wilaayaatka: Maxamed Maxamuud Mire
Xarakada Al-Shabaab ayaa xiligan ka talisa deegaano badan oo kamid ah Koonfurta Soomaaliya, ayada oo canshuuro xad dhaaf ah ka qaada dadka Soomaalida, taasi oo inta badan lagu maareeyo xukuumadda xarakada iyo howl-galadeeda.