Home Warka Maanta Aqriso Magacyada: Mursal oo 15 xildhibaan ka joojiyey kulamada BF

Aqriso Magacyada: Mursal oo 15 xildhibaan ka joojiyey kulamada BF

Warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay heshay Allbanaadir Media ayaa muujineysa in guddoomiyuhu saxiixay in illaa 15 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka aysan ka soo qeyb-geli karin kulamada soo socda ee golaha.

Sida qorshuhu yahay kulanka ugu soo horeeya ayaa dhacaya Isniinta soo socota, kaas oo shaki badan laga sii muujinayo.

Magacyada xildhibaanada laga mamnuucay ka soo qeyb galka kulamada soo socda ayaa la dhigay albaabada laga galo Villa Somalia, sida aan xogta ku helnay. Tallaabadan xasaasiga ah ayaan la ogeyn awoodda Mursal u hayso inuu sidaas sameeyo.

Warqadaan oo lagu cadeeyey in la ogeysiiyey Taliyaha ciidanka amniga ee golaha shacabka ayaa lagu shaaciyey magacyada xubnaha laga mamnuucay ka qeyb galka kulamada soo socda ee golaha shacabka, waxayna kala yihiin:

1 –Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur
2 –Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf lidow
3 –Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow
4 –Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur
5 –Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad
6 –Xildhibaan Cabdirasaq Omar Maxamed
7 –Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
8 –Xildhibaan Maxamed Cali Cumer
9 –Xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed
10 -Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf Xasan — Alankey
11 –XiIdhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig
12 –Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji
13 –Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon
14 –Xildhibaan Saadiq Xirsi Warfa
15 –Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil — Hassan Yare

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:info@allbanaadirmedia.com

 

Source link