Muqdisho (Wararka Maanta) – Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii habeen hore ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay sirdoon iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Kooxda ayaa sheegtay in maqaayadda la bartilmaameedsaday ay ku caweeynayeen howl-waddeeno ka tirsan wasaaradaha, sirdoonka iyo ilaalada xarumaha muhiimka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Qaraxa Al-Shabaab oo u muuqday is-xasuusin iyo inay muujiso in weli Muqdisho ka sameysan karto waxay rabto, maadaama ay bartilmaameedsatay goob ku taalla meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo, xilli ay bilihii u dambeeyay reer Muqdisho ka nasteen qaraxyada argagixisada.
Weerarkan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari ay kooxda ku soo rareen waxyaabaha qarxa, kaasi oo la dhigay banaanka maqaayadda, sida lagu ogaaday warbixinta hordhaca ah ee Booliska.
Goobta la weeraray ayaa waxaa ciyaar ku daawaneysay qaar kamid ah dhalinyarada caasimadda. Waxaana weerarka uu sababay dhimashada illaa 5 qof iyo dhaawaca 20 kale oo dad shacab ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay talisa ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Markii laga soo tago khasaaraha soo gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, waxaa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dadkii saarnaa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.
Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday.