Al shabaab oo qarax ka fuliyay Kenya iyo dad ku dhintay

Wararka imaanayo Magaalada Mandheera ee Waqooyi bari Dalka Kenya ayaa ku waramayo in halkaasu uu saakay dhacay Qarax Miino oo dhaliyay Khasaaro Dhimasho iyo Dhawac leh.

Inta la xaqiijiyay ilaa Lix Qof oo shacab ah Ayaa ku dhintay kadib markii bas dad rakaab ah oo ay saarnayeen Dad Shacab ah oo saaka kasoo baxay Degaanka Arabia ee Ismaamulka Mandera ay kula qaraxday miino Degaanka Hagarso .

Dhaawaca Dadka ku wax yeeloobay Qaraxa Miinadda ah oo aan tiradooda naloo shegin Ayaa Sidoo kale gordhow la gaarsiyay Isbitaalka guud ee Magaalada Mandera.

Laamaha amniga Kenya wali kama aysan hadlin qaraxan balse waxaa sheegtay mas’uuliyadiisa uruurka Al shabaab.

 

Source link