Home Warka Maanta Al Shabaab oo odiyaal ku xexertay deegaan ay dhawaan la wareegeen

Al Shabaab oo odiyaal ku xexertay deegaan ay dhawaan la wareegeen




Wararka ka imaanaya deegaanka ay Al shabaa  dhawaan la wareegeen e ee Bacaadweyn  oo dhaca Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay ku xirxireen odayaal dhaqameedyo.

Xariga odayaasha ayaa yimid, ka dib markii ay ka soo laabteen deegaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug, iyadoona ay Shabaabka ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale waxaa jira tiro kaloo odayaal ah oo Shabaabku ka soo qabqabteen deegaanada ku dhow dhow Bacaadweyne, kuwaa oo ay ku xireen xabsi ku-meel-gaara oo ay ka sameysteen deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Shabaabku ay jirdil u gaysteen qaar ka mida odayaashii dhaqankii ay xabsiga u taxaabeen.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa bartamihii bishii hore ee April bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Bacaadweyne.

 



Source link