Al-Shabaab oo gubtay gaadiid ay saarnaayeen dad shacab + khasaaraha




Beledweyne (Allbanaadir Media) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore kooxda Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ka fulisay qaybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya, kaas oo sababay khasaare xoogan.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano afar irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay noqdeen rakaabkii la socday gawaarida lagu gubay weerarka ay Al-Shabaab saaka ka geysteen Hiiraan.

Sidoo kale ma jiro wax hada ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay ciidamada dowladda iyo HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi lagu beegsaday dadka shacabka ah.

Xaaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaannada hoos yimaada Beledweyn, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada huwanta.

Dhacadadaan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisley ay howlgallo ka wadaan gobolka Hiiran, halkaas oo ay dagaallo culus kula galeen kooxda Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaanno dhowr ah.

Kadib dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa iyaguna bilaabay weeraro aargoosi ah ee ay ka fulinayaan gobolka Hiiraan, waxayna gubeen ceelal & guryo ay daganaayeen shacab.

Si kastaba lama ioga sida ay wax noqon doonaan, balse dagaalka u dhexeeyey ciidamada dowladda & Al-Shabaab ayaa ka sii daraya,waxayna kooxdu billowday weeraro aargoosi ah.



Source link