Al-Shabaab oo gubay ceel iyo guryo ay daganaayeen dad shacab ah





Maxaas (Allbanaadir Media) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale xoogaga Al-Shabaab ay qaadeen weerar ay ku gubeen guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla deegaanka Ceel-Jiqoow oo u dhow degmada Maxaas ee gobolkaas.

Ilo deegaanka ayaa inno sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay gebi ahaan dhulka la simeen guryo ay leeyihiin shacab, sidoo kalena ay burburiyeen xarumo kale oo ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogaga Al-Shabaab ay qaraxyo ay ku xireen ceelkii biyaha ee deegaankaasi, kadibna ay qarxiyeen, taas oo uga sii dartay xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanka Ceel-Jiqoow ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka ka dhacay duleedka degmada degmada Maxaas.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa, ayada oo haatan howlgallo culus iyo kacdoon shacab uu ka socda gobolka Hiiraan oo ay gaareen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Xaaladda ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, waxaana labada dhinac ay guullo ka kala sheegteen howlgallada ka socda gobolkaas oo hoostaga maamulka HirShabelle.

Arrimahaan ayaa ku soo aadayo, xilli dalka ay ka jiraan abaaro iyo arrimo bani’aadanimo oo heysta qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Soomaaliya.



Source link