(Akhriso) Madaxweynaha Jubbaland oo soo saaray wareegto lagu Magacaabay..

Posted on

MADAXWEYNAHA OO LABO XEER ILAALIYE U MAGAACABAY DEGMADA DHOOBLEY.

Tix-raac: XM/DGJS/064/2024

UJEEDDO: MAGACAABIS XEER-ILAALIYAYAAL.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad, Qodobka 72ad, Farqada (17ad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida Xubnaha Garsoork.

Markuu arkay Soo Jeedinta Guddiga Garsoorka ee tixraacisu yahay GAG/FN/DGJS/0003/2024.

Markuu arkay Baahida loo qabo in la helo adeeg garsoor oo dhamaystiran.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu Xeer Ilaaliye  Axmed Adan Cabdi iyo Xeer Ilaaliye Nasteex Muxumed Sahal u magacaabay xeer ilaaliyayaal cusub oo ka howlgali doona Degmada Dhoobley.

Magacaabistan waxay dhaqan galaysa Marka Madaxweynahu uu sixiixo Wuuna sixiixay.

 

Source link