Home Warka Maanta AKHRISO: Halis ku hareereysan Kiiska Ikraan Ee Cadaalada loogu raadinayo

AKHRISO: Halis ku hareereysan Kiiska Ikraan Ee Cadaalada loogu raadinayo

Iyadoo marxalad adag uu dalka geliyey kiiska ikraan tahliil faarax oo ay madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan Hay’ada fulinta khilaaf ka dhex abuuray ayaa hadana waxaa laga digayaa in Cadaalada Ikraan la weeciyo.

Agaasime kuxigeenkii hore ee Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya General Cabdalla Cabdalla ayaa ka digay in xaalad adag ay ka dhalan doonto arinta cadaalad raadinta Ikraan hadii aan wado sax ah la marin.

Waxa uu sheegay General Cabdalla Cabdalla inay jireen falal hore udhacay oo Maxkamado loo xilsaaray inay baaritaan kusameeyaan oo weli wax kasoo naaso cadaan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GENERAL CABDALLA CABDALLA SOO SAARAY

AUN Eng Yarisow ma ismiidaamin ayuu Ku dhintay mise miino kursiga iyo miiska loogu xiray? Basiira indhool miyaa ismiidamisay mise waa la Iska masabitay madama aysan isdifaaci karin oo ay dhimatay!. CCTV cameradii Xarunta xagee Ku danbaysaa? Ikran oo ahayd xoghaynta gaar ah ee Eng Yarisow kana socotay xilligaas NISA, maxa waxay u dhimatay Xog-ogaal nimadeeda kiiska eng Yarisow ?!!…

Dilal badan oo loo gaystay saraakiil iyo askar NISA ahayd waxay sababsadeen isla kiiska eng Yarisow …

Kiiska AUN Yarisow maahayn mid yar , F&F agtoodana waa mid Ku Weyn oo mustaqbal kooda ayuu saamayn Ku leeyahay!.

Hadii aysan maxkamadu kiiskaas hormar ka samayn kiisaska kale ee la xariira oo kan Ikran ka mid yahay wax hormar lagama gaari doono..

Furaha Baarista dilalka Saraakiisha NISA waa in laga soo bilaabo Dilkii Eng Yarisow..