Home Warka Maanta Afhayeenkii Booliska Soomaaliya Korneel Doodisho oo goordhaw xilka laga qaaday

Afhayeenkii Booliska Soomaaliya Korneel Doodisho oo goordhaw xilka laga qaaday




Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta umagacaabay Afhayeenka cusub Booliska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan.

Mas’uulka la magacaabay ayaa booska ka bedelaya Afhayeenkii Booliska ku magacaabnaa Korneel Sidiiq Aadan Cali (doodisho).

General Xijaar weli ma uusan sheegin sababta xilka qaadistaan ku timid iyo inay qeyb ka tahay dib uhabeyn lagu sameenayo saraakiisha ciidanka iyo xilalka ay hayaan.

Sidiiq Doodisho ayaa Afhayeenka Booliska Soomaaliya loo magacaabay 6-dii Bishii May Sanadkii hore 2020-kii.

Waxa uu ahaa sargaalka dhinaca laamaha amniga warbaahinta ka siiya warbixinada howlgalada la fuliyo iyo mararka ay dhibaatooyinka qaraxyada ah ay caasimada ka dhacaan.





Source link