Afar qof oo lagu dilay duleedka mogadishu





mogadishu (Allbanaadir Media) – Wararka laga helayo duleedka magaalada mogadishu ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 qof oo shacab ahaa ay ku dhinteen rasaas uu furay askari ku sugnaa Check-Pointi ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dadka la dilay ee afarta qof ah ay la socdeen gaari nooca raaxada ah, isla-markaana uu rasaaseeyey askari ku sugnaa halkaasi.

Maydadka afarta qof ayaa loo soo qaaday dhanka magaalada mogadishu, waxaana la geeyey isbitaalka  weyn ee Madiina, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan iyo in la qabtay askariga geystay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo darawallada gaadiidleyda isaga kala goosha mogadishu & Afgooye ayaa si kulul uga hadlay arrintaan, waxayna walaac ka muujiyeen dilka dadkaas.

Falkan ayaa qayb ka noqonayo amni darrada ka jirta mogadishu iyo nawaaxigeeda, waxaana dhibaatooyinka dhacaya qayb ka ah dilal ay geystaan askarta dowladda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo maanta dilal qorsheysan ay siyaabooyin kala duwan uga kala dhaceen magaalooyinka mogadishu iyo Afgooye, kuwaas oo loo geystay wiil lagu magacaabi jiray Cabdiweli Jeekey iyo sidoo kale Nabadoon Aadan Abshir Maadey.



Source link