Abwaan Hadraawi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa





Hargeysa (Allbanaadir Media) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, waxaana geeridiisa si weyn u hadal heysa warbaahinta.

Abwaan Hadraawi ayaa ahaa 79 sanno jir, waxaana si weyn looga garanayey guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Sidoo kale wuxuu ahaa qoraa soo saaray buugaag waa weyn oo ay aad u jecel yihiin dadka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee waxaa geerida ku timid Abwaanka ka tacsiyeeyey madax kala duwan oo ka kala tirsan Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadraawi  wuxuu ku dhashay magaallo madaxda gobolka Togdheer ee Burco sannadki 1943kii, wuxuuna ka mid ahaa hal abuurrada ugu muuqa dheer gayiga Soomaaliyeed.



Source link