Duqeyn culus oo ka dhacday BARI iyo wararkii ugu dambeeyay

Posted on

Boosaaso (Allbanaadir) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo xalay ciidamada Puntland iyo saaxibada caalamiga ah ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Bari, taas oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday saldhigyo ay kooxaha nabaddiidku ku lahaayeen togagga iyo buuraleeyda hoosyimaada degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu burburiyey saldhigyo muhiim ah, laguna dilay xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Daacish, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay sii laba jibaari doonaan howlgallada ka socda gobolka Bari inta ay gacanta ku soo dhigayaan kooxaha ku sugan ahlkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka, kuna aadan duqeyntaas xalay, illaa saaka lagu garaacayay qaybo kamid ah gobolka Bari.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo duqeymo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay buuraleyda gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Daacish.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan qaaday howlgal culus oo ay ugu magac dartay Hilaac, kaas oo ay dooneyso in kooxda Daacish ay uga sifeysa aaga buuraleyda ee Bari.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *