21 sano kadib raggii loo haystay weeraradii Sept. 11 oo heshiis la gaaray Mareykanka

Posted on

Washington (Wararka Maanta) – Ninka lagu eedeeyay inuu maleegayay weeraradii Maraykanka lagu qaaday bishii September 11-keedii ee sannadkii 2001, Khalid Sheikh Mohammed iyo labo ka mid ah raggii la socday ee lagu xiray xabsiga Guantanamo ee Maraykanku ku leeyahay gacanka Cuba ayaa heshiis la gaaray Mareykanka.

Raggan ayaa la sheegay inay qirtaan eedo loosoo jeediyey, iyaga oo ku bedelanaya xabsi daa’in, halka haatan xukunnada lagu soo oogay ay ka yihiin, xukuno dil ah, sida uu baahiyey wargeyska caanka ah ee New York Times Arbacadii, oo soo xiganaya ilo qarsoon oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka.

Heshiiska horseeday in Khalid Sheikh Mohamed, Walid bin Attash iyo Mustafa al-Hawasawi, ay qirtaan demb iyada lagu soo oogay, si ay uga badbaadaan in lagu fuliyo, xukun dil ah, ayaa waxaa ansixiyey sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka, sida uu shaaciyey wargeysta the New York Times.

Dhammaan saddexda nin ayaa xabsiga ku jiray tan iyo sannadkii 2003. Khaalid Sheikh Mohamed, ayaa ka tirsanaa ururka al-Qaacida ah oo Maraykanku ku eedeeyay inuu ahaa maskaxdii isku dubaridday weerarradii September 11 ee lala beegsaday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee ku taallay magaalada New York iyo weliba wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo ku taalla duleedka Washington DC.

“In meesha laga saaro ciqaabta dilka ah, waxaa saddexdan eedaysane ay isku raaceen inay qirtaan dhammaan dembiyada lagu soo oogay, oo ay ku jiraan dilka 2,976 qof ee ku qoran warqadda eedda,” sidaasi waxaa qoraal ku sheegay madaxa dacwad oogaha, Rear Admiral Aaron Rugh, kadib waraaq loo diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, sida uu baahiyey wargeyska New York Times.

Warqadda ayaa lagu sheegay inay suurogal tahay in raggan codsigooda loo gudbiyo maxkamad furan, illaa bilawga toddobaadka soo socda, sida uu wargeysku sheegay.

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa Arbacadii shalay sii daysay qoraal ay ku sheegayso inuu jiro heshiis qirasho dembi oo ay gaadheen Khaalid Sheikh Mohamed iyo labada eedaysane ee kale, iyaga oo aan faahfaahinin nooca qiraalka.



Source link