DEG DEG: Qaraxyo Xoogan oo Goordhaw Ka Dhacay Muqdisho iyo Dhimashada iyo Dhaawaca..

Labo qarax aad u xoogan oon wali la ogeyn waxyaabaha loo adeegsaday ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel lagu qiyaasay laamiga Maka Al Mukarama.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwa xoogan oo daqiiqado kala dambeeyay, waxaana uuro iyo qaac badan laga arkayaa meel ku aadan Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan agagaarka Isgooska KM-4.

Wali lama oga qaraxyadan xoogan ee dhacay halka lala eegtay iyo waxyaabaha loo adeegsaday, waxaana rasaas goos goos ah laga maqlayaa aaga halka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

ADVERTISEMENT