DEG DEG DAAWO: Madaxweyne Gaas oo iscasilaya iyo qorshe ay isku ogyihiin maamulada

Dagaal siyaasadeedka Xoogan oo Ka Dhexeeya Dowlada faderalka Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya Waxa U Muuqanaysa Inay Villa Soomaaliya Kaga Guulaysatey Siyaasadeedi Ay Doonaysey.

Kadib Markii uu iscasiley Madaxweynahii Ugu Samaynta Badnaa ee Koonfur Galbeed Shariif xasan Sheekh Aadan oo waligiisa Siyaasad Looga Guulaysan waxaa hada Muuqata In Looga Guulaystey Siyaasada Doorashada Markii Villa Soomaaliya Ku kacisay Xildhibanadii Maamulkaasi.

Dib isku xasuusinta Taarikhdiisa Siyaasada ee Shariif xasan Sheekh Aadan Waxaa lagu xasuusta Inuu lacag Ku maamuli Jirey Villa Soomaaliya Gar Ahaana Qorshahii Raysal Wasaare yaal badan oo Siyaasada Ka Saaray.

waxaa ka mId Ahaa Raysal Wasaarahii hore Cabdiwali Sheekh Axmed oo uu Lacag Ku Bixiyey Inay Xildhibaanada Mooshin ku tuuraan,Khilaafkii Isaga iyo Madaxweynahii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Kampala Shirkii Ka Dhacay Sababay Inuu Tuuro Madaxweynaha Hada Xilka haya Maxamed cabdulahi farmaajo .

Halkani Riix Video Iscasilaad Xog
balse hada Waxaa Muuqanaysa Inuu Madaxweynaha Maxamed cabdulahi farmaajo Siyaasad Uga Aar Goostay Isagoo Noqday Madaxweynahii Ugu Horeeyey oo cadaadis Siyasadeed Gaadhsiiya Inuu iscasilo Shariif xasan Sheekh Aadan ,Iscasilaad Marna La Filayn.

Balse Iscasilaada Shariif xasan Maha Mid Ciyaar Ah waxaana uu isku Soo Abaabuli Doona dagaal Siyaasadeed uu la Gali doono Madaxda Villa Soomaaliya 2021 Doorashada Imaan Doonta Inaysan Markale soo laaban.

Samaynta Maamulada Kale.

Iscasilaada Shariif xasan Ayaa Ah labada Qorshe

* Inay Qorshahani Isku Ogyahiin maamulada

*in Madaxweynaha Puntland Iscasili Doono

*Inay Doonayaan In Doorasahada 2021 Faderalka Madaxweynaha Puntland Doonayo Inuu Madaxweyne Noqdo Halka Shariif xasana Doonayo Inuu Raysal wasaare Noqdo.

Xisbi Siyaasadeedkii Ay Dhisteen maamulada Ayaa Markii Horaba Tooshka ku Ifinayey In cabdiwali Gaas Iyo Shariif xasan Loo wado Inay Dagaal Siyaasadeed kala Hortagaan Madaxda Villa Soomaaliya iyagoo Ujeedadooda Tahay faderalka.

Iyadoona Shirkoodi Garoowe Marna Ka Hadal doorashadooda Maamul goboleedyada Balse Diirada Ku saaray Doorashada Villa Soomaaliya Inay Xisbigani u samaysteen.

Xogta la helay Ayaa Sheegaysa Inuu madaxweynaha Puntland iscasili Doono Isagoon ka Qeyb galayn doorashada Puntland Si uu faderalka Uga Qeyb galo Isagoo Ilaa Hada Shaacin Musharaxnimadiisa Maamulka Puntland.

ADVERTISEMENT