DAAWO Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho iyo Dhimashada iyo Dhaawacay oo gaaray 30 qof

Ugu yaraan 30 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen saddex qarax ismiidaamin oo galabta ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Laba ka mid ah qaraxyada ayaa ahaa babauur ay wadeen rag ismiidaamiyey, waxaana ay ku kala qarxeen dibedda hotelka Hayat iyo meel u dhow xarunta dambi baarista CID-da ee agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qarax saddexaad ayaa waxa uu ka dhacay banaanka Hotel Saxafi.

 

Xarunta adeegga baabuurta gargaraka deg degga ah ee Amin Ambulance ayaa xaqiijisay inay ugu yaraan meydadka 30 qof u qaadday isbitaallada.

“Waxaan arkay meydadka ugu yaraan 14 qof, waxaana macquul ah in dhimashada ay intaas ka badan tahay” waxaas sidaas yiri qof goobjooge ahaa oo la hadlay Badweyn Online.

Khasaaraha ugu badnaa ayaa loo malaynayaa inuu ka dhashay baabuur rayid ah oo marayey waddada, kuwaasi oo qaraxa uu haleeyey. Waxaana sidoo kale jira dad badan oo dhaawac ah.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ugu yaraan afar ka mid ah Shabaabka, oo kadib qaraxii ka dhacay banaanka galay hotel Saxafi, dhammaantood la wada toogtay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan waxayna xaqiijisay in ay beegsatay Hotelka Saxafi oo ay daganyihiin xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, saraakiil amni iyo mas’uuliyiin ka tirsan DF.

Wararka qaraxyada ayaa weli isa soo taraya. Ha ka fogaan Badweyn, waxaana idin soo gudbin doonnaa wararka kusoo kordha qaraxyada, insha allah.

ADVERTISEMENT