DHAGEYSO: Muuse Biixi oo Ceybtii ugu Weyneed Dhexda uga Jira “Waxa uu Hunguriyeeyay..

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Cuqaasha Gobolka Togdheer ayaa waxay kaga hadleen Cabasho ka dhan ah Madaxwaynaha Maamulka Hargaysa kaas oo ay sheegeen inuu soo damaaciyay Gunnada Mushaaraadka yar ee ay ka qaataan Xukuumadda.

Cuqaasha kulanka ka hadlay oo ah kuwa ugu waawayn ee Gobolka ayaa waxay sheegeen in Mushaarkii ay qaadan jireen Xilligii Siilaanyo laga yareeyay oo haatan ay qaataan wax aysan uqalmin.

Cuqaasha ayaa waxay si kuluil ugu baaqeen Muuse Biixi inuu mushaarkooda ukordhiyo hadii kalana aysan qaadan doonin dhaqaallaha yar ee lagu magac sheegtay.

Halkaan Hoose ka dhagayso Cabashada Cuqaasha:-

 

Arintaan ayaa waxay imaanaysaa Xilli Xukuumadda Muuse Biixi ay wajahayso Fashil is daba joog ah kaas oo ka imaanaya Qaybaha kala duwan ee Xisbiyada, Siyaasyiinta, Beelaha, iyo Bulshada qaybaheeda kala Duwan.

ADVERTISEMENT