DEG DEG: Shariif Xasan oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka haray Doorashada Koonfur Galbeed

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo daqiiqado ka hor shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray doorashada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuusan u tartami doonin doorashada dhawaan dhici doonto isla markaasna uu si kumeel gaar ah xilka usii heyn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed isla markaasna uusan isku soo taagi doonin xilkaas.

Shariif Xasan ayaa xilliga uu ku dhawaaqayay is casilaadiisa waxaa hareer taagnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye

La soco warbixintaan oo dhameystiran

ADVERTISEMENT