Madaxweyne Gaas oo Saacadaha Soo Socda Nairobi uga Dhawaaqaya Musharaxnimadiisa

Nairobi (Allbanaadir News)– Madaxweynaha Puntland Cabdiwali maxamed Cali Gaas oo Safar Ku Jooga Magaalada Nairobi Ayaa Lagu wadaa saacadaha Soo Socda Inuu nairobi Ku Qabto xaflad uu ku Shaacinayo Inuu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland doorasahada 2019 Dhacaysa.

waxaa Aad Loo hadal hayaa Xaflada Madaxweynaha Puntland Cabdiwali maxamed Cali Gaas Ku qabanayo nairobi oo qaban Qaabadeda ka Socoto nairobi Inuu Markii ugu Horeeyey Toos Ugu Dhawaaqo inuu yahay Musaharx u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland 4 Sano ee Soo Socda.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali maxamed cali gaas oo Horay U Sheegay Inuu Puntland Afar sano maamulayo oo uusan Dib iskugu Sharaxayn waxaa Hada Soo baxaya Inuu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland Xafladii Ugu Horeyey oo Banaanka Ku qabanayo.

Magaalada Nairobi Ayaa xarun U Noqotay Musharaxinta Ololaha Puntland waxaana Ku Sugan In ka Badan 10 Musharax oo Dhamaantooda U Sharaxan Xilka Madaxweynaha Puntland,waxayna Tageero Ku kala Weydiisanayaan Ganacsatada Iyo Siyaasinta Nairobi Ku Sugan.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (2)

  1. Like says:

    Like!! Great article post.Really thank you! Really Cool.

  2. I went over this site and I think you have a lot of good information, saved to fav 🙂




ADVERTISEMENT