Xog Horudhac ah: Qaabkee loo fuliyay weerarka Qaraxyada ah & Midka Tooska ah ee Goordhaw lala eegtay Villa SOMALIA…

Labo qarax oo loo adeegsaday laba Gaari ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Ceelgaabta iyo SYL oo ah bar laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa hore oo loo adeegsaday Gaari ayaa ka dhacay meel ku dhow bar koontarool oo ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi. Qaraxaasi Koowaad waxaa xigay weerar toos ah oo rag hubeysan ku qaadeen ciidanka ammaanka ee halkaasi joogay, waxaana goobta ka dhacay dagaal xooggan, iyadoo weli aan la ogeyn halkii ay ku dambeeyeen dableydii Alshabaab.

Intii uu dagaalkaasi socday ayaa waxaa dhacay qaraxii Labaad, kaasoo uu fuliyey ruux waday gaari nooca raaxada ah. Waxaana markaas kadib ciidamadu is baacsadeen dabley iyadoo rasaastu joogsatay markii dambe.

Isgoyska Ceelgaabta ayaa waxaa ku soo dhacay jirka qof loo maleynayo inuu is miidaamiyey, waxayna ciidamadu baadi goobayaan dableydii weerarka soo qaaday.

Waxaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey dhimashada Labo qof oo mid ka mid ah yahay ruuxii gaariga waday, iyadoo dhaawac badan uu jiro. Gaadiidka gurmadka ah ayaa goobta ku baxay si ay usoo qaadaan haddii ay jiraan dad dhaawac ah oo goobta ku sugan.

Wasaaradda warfaafinta ayaa la filayaa inay war kasoo saarto qaraxyada mattaanaha ah iyo weerarkiilala beegsaday goobaha laga ilaaliyo madaxtooyada.

ADVERTISEMENT