Home Muuqaalo Milateriga Cameroon oo laga duubay Muuqaal Caro badan ka dhaliyey caalamka (Daawo...

Milateriga Cameroon oo laga duubay Muuqaal Caro badan ka dhaliyey caalamka (Daawo Muuqaalka)

512

Milatariga dalka Cameroon ayaa diiday in ay dad askartooda ka mid ah ku jiraan muuqaal la baahiyay oo muujinaya dad dirayska ciidanka qaba oo tooganaya qof dumar ah iyo carruur.

Muuqaalkan ayaa caro ka dhaliyay baraha ay bulshadu ku xiriirto ee dalka Cameroon iyo caalamka intaba, iyadoo lagu baaqay in la soo xiro askarta ku kacday falkaas arxan darada ah ee lagu laayey haweenka iyo caruurta.

HALKAAN KA DAAWO MUQAALKA

Muuqaalka ayaa laga arki karaa rag indhaha ka xiraya gabadh yar iyo labo dumar ah oo midood ilmo xanbaarsan tahay.

Ragaas oo ku hadlaya lahjadda Af Faransiiska ee lagaga hadlo Cameroon ayaa laayay dadkii iyaga oo ku eedaynaya in ay ka mid yihiin kooxda Jihaad doonka ah ee Bookoo Xaraam.

Qof dhulka muuqaalka lagu duubay yaqaanna ayaa sheegay in muuqaalka lagu duubay gobolka Mayo Tsanaga ee dhanka waqooyiga oo ay saldhig ku leeyihiin ciidammada Cameroon.

SHARE