Tahriibayaal laga soo bad baadiyay bada Liibiya oo afduubtay markab caalami ah balse maxaa dhacay kadib

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah tahriibayaal u soo socday qaarada Yurub inay afduubteen markab ka soo badbaadiyay xeebaha Libya.

Tahriibayaasha ayaa la sheegay in ay u afduubteen markabkan si aan dib loogu celin dalka Libya waxaana afduubkan sameeyay labo kamid ah dadkii tahriibayaasha ahaa oo ka soo raacay doon yar xeebaha dalka Libya.

67 ruux oo ahaa tahriibayaal doonayay in ay magangelyo weydiistaan wadamada qaarada Yurub ayaa ugu dambeyn waxaa ay gaareen dalka Talyaaniga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Mr Salvini oo si weyn ugaga soo horjeeda dadka soo galootiga ah ee ka imanaya qaarada Afrika ayaa sheegay in labada ruux ee ka dambeysay afduubka in la xirey.

Hase yeeshee ma jiro warar faahfaahsan oo dheeraad balse waxaa ay wararka qaar sheegayaan in ciidamo Boolis ah oo hubeysan inay gudaha u galeen markabka.

Labada ruux ee ka dambeysay afduubka ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan dalalka Sudan iyo Ghana. balse lama oga sida laga yeeli doono mustaqbalkooda.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT