Maxaa ka cusub Qorshaha uu Muqdisho u yimid Mukhtaar Roobow?..(Akhriso Xog Buuxdo oo aan helnay)

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia dib ugu soo laabtay wadaadka dhawaan isku soo dhiibay dowlada Somalia Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Wadaadkan ayaa mudooyinkaan danbe ku maqnaa dalka dibadiisa waxa uuna si gaara ugu maqnaa dalka Sacuudiga.

Roobow ayaa waxaa wehlinaayay Saraakiil kale oo horay uga tirsanaa Al¬Shabaab kuwaa oo lasoo goostay, waxaana lasoo sheegayaa in imaanshiyihiisa magaalada Muqdisho ay tahay mid ku xeeran qorshooyin gaara oo maalmahaani uu waday.

Roobow ayaa magaalada Muqdisho kula kulmi doona Wasiiro ay kamid yihiin Gaashandhiga iyo Amniga oo ay isla wadaan qorshooyin ku aadan amniga.

Roobow ayaa dowlada Somalia kala shaqeynaaya wiiqida maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxa uuna si gaara u doonayaa in garab lagu siiyo xoreynta Gobolada Bay iyo Bakool.

Muqtaar Roobow ayaa tan iyo markii uu shaaciyey in uu ka baxay AlShabaab kuna soo biiray dowlada Soomaaliya waxa uu tegay deegaano badan oo ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool,waxana sidoo kale deegaano ka tirsan Gobolka Bakool uu dagaal culus kula galay Al¬Shabaab.

Sidoo kale, Roobow ayaa Wasiirka Gaashandhiga Somalia kala hadli doona ciidamo si gaara loogu tababaraayo Mukhtaar Roobow kuwaa oo lagu wado in wadaadkaasi ay la xoreeyan deegaanada ay Shabaabka kaga sugan yihiin Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale, Roobow oo dhowr mar la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka go’an tahay dhabar jabinta Al¬Shabaab oo uu tilmaamay inay u midooben xasuuqa shacabka.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT