DHAGEYSO Dhacdon Argagax leh: Nin Qurbaha ka yimid oo walaalkiisa ku dilay Muqdisho..

Guddoomiyaha Waaxda Xaawo Taako ee degmada Howl-wadaag Axmed Ismaaciil Maxamed ayaa u xaqiijiyay In C/llaahi Cali Qaado uu xalay saqdii dhexe dilay Walaalkiis Xasan Cali Qaado oo loo yaqaano (Laari) waxa uuna falkaan ka dhacay agagaarka Xaafadda Daalo ee degmada Howl-wadaag.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Ninka Wax dilay ee C/llaahi Cali Qaado ayaa la sheegay in dhawaan uu ka yimid dalka dibadiisa waxaana dilka sababay muran la sheegay in mudooyinkii la soo dhaafay uu ka dhax-taagna Labada Wiil ee Walaalaha ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay Guriga Gudahiisa islamarkaana uu u adeegsaday Midi kaga dhacday Wadnaha, waxa uuna dhintay ka hor inta aanan la geynin Goob Caafimaad Xasan Cali Qaado oo loo yaqaano (Laari)


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT