Home Muuqaalo DAAWO: Shan Ruux Oo Soomaali Ahaa Oo Lagu Gowracay itoobiya iyo dagaalka...

DAAWO: Shan Ruux Oo Soomaali Ahaa Oo Lagu Gowracay itoobiya iyo dagaalka Oromada & Soomaalida oo..

542

Wararka laga helayo Ethiopia ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay deegaanka Guuleed oo u dhexeeya dhulka ay dagaan Oromada iyo Soomaalida ee dalkaasi lagu gowracay illaa 5 ruux oo Soomaali ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka shantaasi Qof ayaa waxaa gowracay maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda Oromada Ethiopia, kuwaasi oo weerar ku qaaday deegaankaasi oo ay dagnaayeen qowmiyadda Soomaalida Ethiopia, kadibna halkaasi ay ku gowraceen dadkaasi.

Dagaallada u dhexeeya labada qowmiyadood ayaa marar badan ku soo noq noqotay deeganada xadka ay wadaaan Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Illaa iyo hataan ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda dhexe ee Ethiopia iyo maamul goboleedyada Oromada iyo Soomaalida oo lagu qaboojinayo xiisadani cusub ee ka dhex aloosan Qowmiyadaahaasi.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa horay u gaaray deegaanada Oromada iyo Soomaalida, si xal waara looga gaaro khilaafka labadaasi qowmiyadood.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here