DAAWO: Qalbi dhagax oo isagoo ilmaynaya Ka Hadlay Qaabkii Loogu Dhiibay itoobiya

C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo ka tirsan Jabhada ONLF ayaa markii ugu horeysay ka sheekeeyey sidii loola dhaqmay markii dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

“Waxaa la i xiray anigoo indho duuban, cago cad oo qaawan, ayaa caasimaddii Soomaaliyeed la iga dhoofiyay, waa ley jir diley, la i ihaaneystay, balse waxaan ogaaday in aan leeyahay 30 milyan oo walaalo Soomaaliyeed oo aan uga mahad celinayo iney codkooda igu taageereen” ayuu yiri C/kariin Qalbi Qado ah oo ka dhacday magaalada Nairobi.

Qalbo dhagax oo ku soo baxay amar uu bixiyey raisul wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan ka jeediyey xaflad balaaran oo loogu sameeyey magaalada Nairobi taasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin Soomaali ah oo ka tirsan dowlada Kenya, raisul Wasaarayaashii hore ee Somalia qaarkood iyo xildhibaano.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT