Akhriso Maxaadan ogeyn oo laga dhex helay xarunta Otto Otto weerarka kadib?

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar sabtidii lagu qaaday Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia ee Otto Otto, oo ku taalla isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in qorox dhicii shalay gudaha Xarunta laga helay darees hor leh oo ay tureen maleeshiyaadkii weeraray xarunta.

Dareeska oo ilaa labo ahaa ayaa laga helay qeybta danbe ee xarunta waxaana lasoo sheegayaa inay tureen maleeshiyaadkii qaaday weerarka oo markii danbe si nabadgalyo ah u baxsaday.

Dareeska la helay oo kaaki ahaa ayaa waxaa jeebkooda laga helay warqado dardaaran iyo duco ay ku qornaayen, halka mid kamid ah laga helay Kitaab xusnul-Muslim ah.

Waxyaabaha laga helay xarunta ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Bamgacmeedyo ay maleeshiyaadka ku tureen gudaha xarunta inta ay ahaayen baxsadka.

Sidoo kale, waxaa galabta gudaha xarunta laga helay qeybo kamid ah jirka bani’aadamka sida Lug, Madax iyo hilbo bani’aadam, kuwaa oo uu baabi’iyay Qaraxa.

Hilbahaani ayaa laga helay dhagxaan hoostooda iyo halka uu ku Qarxay gaarigii hore, xili xarunta lagu waday nadaafad guud.
Weerarka oo ay ku naf waayen ilaa 17 ruux ayaa waxa ay Dowlada Somalia u xirtay Taliyayaal iyo Saraakiil la sheegay inay waxbadan ka ogaayen Qaraxa.

Dowlada Somalia ayaan weli ku qancin habka uu u dhacay weerarka waxaana jira shaki xoogan oo ka dhextaagan Hay’adaha amaanka.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT