Home Wararka DEG DEG: Sacuudiga oo laga arkay Bisha & Dowlada Qatar oo shaacisay...

DEG DEG: Sacuudiga oo laga arkay Bisha & Dowlada Qatar oo shaacisay inay Berri tahay Ciid..

454

Dalal kale oo islaam ah a ayaa ku dhawaaqay inay Berri oo Jimce ah ay tahay ciidul fitri, kadib soonkii bisha Ramadaan oo la soomay 29 maalmood.

Dowladda Qatar ayaa goor dhoweyd shaacisay in la arkay bishii Shawaal (Soonfur), isla markaana ay berrito tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga, iyadoo dalkasi laga arkay dhalashada bishii Shawaal.

Dhinaca kale wararka laga helayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya in laga arkay bishii Shawal, sida laga soo weriyey Jaamacada cilmiga xiddigaha ee Xuuda oo dadaal ugu jirtay raadinta bisha Shawaal.

Waxaa la sugayaa in Sacuudiga uu si rasmi ah ugu dhawaaqo inay Berrito tahay Ciid, iyadoo ay hore u shaaciyeen dalalka Indonesia iyo Maleysia.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

SHARE