Home Muuqaalo DAAWO: Maxaadan Ogeyn oo kusoo kordhay Soomaalida ku nool Xaafada Islii ee...

DAAWO: Maxaadan Ogeyn oo kusoo kordhay Soomaalida ku nool Xaafada Islii ee magaalada Nairobi…

557

Waxaa laga Dareemayaa Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi Mashquul Xoogan iyo u diyaar garowga Ciida.

Waxaana Waddooyinka xiray dad weyne aad u fara badan oo doonaya iney u dukaameystaan Ciida iyo gaadiid tuban jidadka qaar oo la’ meel ay ka maraan dadka suuqyada soo buux dhaafiyay.

HALKAN RIIX KA DAAWO MUUQAALKA

Xaafadda Islii oo Soomaalida si aad ah ugu badan tahay,waxaa laga dareemayaa mashquul aad u daran,waxaana la adkeeyay ammaanka guud ahaan magaalada Nairobi oo Kenya ay ka cabsi qabto in weeraro ka dhacaan maalmaha ciida.

Dadka Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaalida ayaa isku diyaarinaya u dabaal degida munaasabada koowaad ee Ciidul fidriga oo maalmo qura inaga xigaan.

SHARE