Home Wararka AKHRISO: Qodobada ay ku heshiiyeen Doanald Trump iyo Kim John un (Daawo...

AKHRISO: Qodobada ay ku heshiiyeen Doanald Trump iyo Kim John un (Daawo Sawiro)

385

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo kulan taariikhi ah ku yeeshay dalka Singapore ayaa qalinka ku duugay heshiis nabadeed.

Arrintaas ayaana lagu tilmaamay mid aan horray loo filaynin ka dib sannad ay isu goodiyayeen.

Labada masuul ayaa isku salaamay hotel ku yaalla jasiiradda Sentosa ka hor intii aysan wada hadalka billaabin.

Heshiiska taariikhiga ah ee ay kala saxiixdeen ayaa waxaa qodobadiisa ka mid ahaa|:-

1-In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay yagleeshaan xiriir cusub si waafaqsan rabitaanka shacabka labada dal si nabad iyo barwaaqana loo gaaro.

2-In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay iska kaashadaan dadaallada nabad waarto looga dhalinayo gacanka Kuuriyada.

3-Si waafaqsan bayaankii Panmunjom April 27 2018, in K/Waqooyi ay ka shaqeysaa sida gacanka looga dhigi lahaa mid ka caagan niyukliyeer.

4-Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi inay iska kaashadaan baadigoobka maxaabiista dagaal ee aan war laga haynin iyo sidii si deg deg ah loogu soo wareejin lahaa kuwa la ogyahay ee hadda gacanta ugu jira K/Waqooyi.

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay inay kala saxiixdeen Heshiis qurux badan oo dhamaystiran.

Kim Jong Un waxa uu Kulankii uu Donald Trump la yeeshay ku tilmaamay mid Taariikhi ah, wuxuuna xaqiijiyey inay Donald Trump isku raaceen inay xiraan colaada.

Kadib, Heshiiska Dukumentigaasi, waxa uu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi doono Nukliyer-ka-dhigista Waqooyiga Kuuriya.

Waxa uu intaasi ku daray inuu dhisi doono Xiriir aad u Khaas ah oo uu la yeesho Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuurya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu sheegay inay mar kale wada kulmi doonaan dhigiisa Waqooyiga Kuuriya uuna ku casuumay inuu booqasho ku yimaado Aqalka Cad ee magaaladda Washington.

Donald Trump waxa uu tilmaamay inuu dhigiisa Waqooyiga Kuuriya ka bartay inuu yahay Nin Awood iyo tayo leh, isla markaana jecel dalkiisa.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here