Home Wararka 27-sano kadib Dowlada Farmaajo oo Tilaabo taariikhi ah qaaday Maanta..(Daawo Sawirada)

27-sano kadib Dowlada Farmaajo oo Tilaabo taariikhi ah qaaday Maanta..(Daawo Sawirada)

940

Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Manhajka mideysan ee dugsiyada hoose ee dalka, kadib muddo 27 sano ah ka dib oo dugsiyada dalka ay manaahij kala duwan ku socdeen.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ka dhacay magaalada Muqdisho waxay ku bandhigtay manhajka cusub iyo buugaagta loogu talogalay in lagu qaato dugsiyada hoose ee Fasalada koowaad ilaa afraad.

Waxaa la diyaariyay maadooyinka manhajkan cusub oo lagu qoray afka Soomaaliga, marka laga reebo luuqadaha Carabiga iyo maadada tarbiyadda oo iyada af Carabi lagu baran doono iyo Ingiriis gaar u taagan, waxaan manhajka maalgeliyey Midowga Yurub.

Munaasnaddii lagu daahfurayay waxaa ka qayb qaatay wasiirka waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Wasiirka ganacsiga Maxamad Cabdi Xayir Maareeye, xildhibaanno, Culimo iyo marti shataf kale.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here