Shabaab oo soo bandhigay Meydadka Askar badan ay ku dileyn Weerar Culus..(Daawo Sawirada)

Al Shabaab ayaa soo bandhigay meydadka askar ay sheegeen iney ku dileen degmada Moqokori oo ay shalay ku dagaalameen iyaga iyo askar ka tirsan Ciidanka Dowladda.

War lagu qoray Website-yada qaar ee taageera Al-Shabaab,ayaa lagu sheegay in dagaal ka dhacay degmada Moqokori Shabaab ku dileen 72-askari,kuwaasi oo 47 ka mid ah meydkooda lagu soo bandhigay Fagaare ku yaalo degmada Aadan-Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Xaaladda degmada Moqokori oo shalay dib ula wareegeen Ciidanka Dowladda Federaalka ah ayaa ah mid degan,waxaana Shacabka ay dareemayaan cabsi ah in mar kale lagu dul dagaalamo.

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa goobtii lagusoo bandhigayay Meydadka ayaa ku goodiyay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan Saraakiisha Ciidanka Soomaalida ee ciidamada Itoobiya iyo AMISOM kusoo hoggaamiya magaalooyinka ka tirsan Gobolka Hiiraan.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT