Home Wararka Madaxda Sare ee Dalka iyo kuwa Maamul gobaleedyada oo ku wajahan Maanta...

Madaxda Sare ee Dalka iyo kuwa Maamul gobaleedyada oo ku wajahan Maanta Baydhabo iyo Amaanka oo…

205

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta waxaa ku wajahan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaf wareegaaya wadooyinka waa weyn ee magaalada Baydhabo waxayna baarayaan dadka maraya wadooyinka iyo sidoo kale guryaha.

Saacaddaha soo socda waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo Shirka Shirka Golaha Amniga Qaranka,oo ay qeybgalaayaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Midowga ee AMISOM ayaa la wareegay ammaanka halka shirka uu ka dhacayo, iyadoo fariisimo ka sameystay banaanka xarunta shirka.

SHARE