Home Muuqaalo DAAWO: Sidee loogu qanciyay in uu xilka wareejiyo Gudoomiyahii Hore ee Maxkamada...

DAAWO: Sidee loogu qanciyay in uu xilka wareejiyo Gudoomiyahii Hore ee Maxkamada Sare Dalka…

510

Gudoomiyaha cusub ee maxkamda sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka cadaaaladda iyo xeer ilaaliyaha Qaranka.

Mudane Baashe yuusuf Axmed oo todobaadkii hore xilkaasi loo magacaabay ayaa xilka kala wareegay mudane Ibraahim Iidle Sulaymaan oo xilkaasi horey u hayay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu diiradda saarayo horumarinta adeegga garsoorka iyo sare u qaadista aqoonta dadka ka shaqaynaya.

Wuxuuna Guddoomiyihii xilkan kaga horeeyay ku ammaanay howsha hagar la’aanta ah ee adeega garsoorka ka soo qabtay,islamarkaana meel wanaagsan uu soo gaarsiiyay.

Dr. Axmed Cali daahir xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa u mahadceliyey gudoomiyihii hore ee maxkamadda sare shaqadii uu garsoorka dalka ka qabtay.

Wasiirka cadaaladda xukuumadda FS mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa munaasabadda xil wareejinta ka sheegay in uu isbadalkan ka filayo horumar cadaaladeed iyo in nidaamka garsoorka dalka shaqo badan laga qabto, si bulshadeenu u hesho adeeg garsoor oo sax ah.

SHARE