Home Muuqaalo DAAWO: Maxay Somaliland ka tiri Xariirka kala Dhaxeeya Kooxda Shabaab

DAAWO: Maxay Somaliland ka tiri Xariirka kala Dhaxeeya Kooxda Shabaab

557

Maleeshiyada Kooxda Shabaab ayaa habeen hore saqdii dhexe weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig cidianka Puntlkand ay ku leeyihiin meel u dhow Galgalka. Wararka Shakabada Allbanaadir News ay heshay ayaa sheegay in maleeshiyadu ay muddo kooban halkaasi qabsadeen, kuna gubeen baabuur dagaal.

Puntland ayaa iyadu beenisay in saldhigga laga qabsaday, waxayna dhinaca kale Somaliland ku eedeeysay inay dagaalka lagu qaaday saldhigga ay ku lug lahaayeen

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa weerarkan lagu qaaday saldhigga ciidanka Puntland ku eedeeyay in Somaliland ay ku lug lahayd.

Dhanka kalana, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa beeniyay hadalka Puntland. Wuxuu u warramay wariyaheena Maxamed Cabdi Sandheere.

 

SHARE