Amaanka Madaxtooyadda oo caawa si wayn loo adkeeyay iyo warar la helay oo shegaayo..

Waxaa si wayn loo adkeeyay amaanka guud ee xarunta madaxtooyadda Villa Somaliya, iyadoo wadooyinka la soo dhigay ciidan badan.

Wadooyinka hareeraha ka mara madaxtoyadda ayaa lagu arkayaa gaadiidka gaashaaman ee kuwa dagaalka ah iyo ciidamo feejignaan badan ku jira.

Ciidanka Koofi gaduuda madaxtooyadda ayaa lagu daadiyay xaafadaha degmada warta Nabadda oo ku taalo madaxtooyadda waxaana si wayn loo hubinaayo gaadiidka.

Cabsi wayn ayaa jirta oo la xiriirta weeraro Shabaab ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho, maadaama ay maanta ku beegnayd 17 Ramadaan.

Al Shabaab ayaa bisha ramadaan marka la gaaro 17 oo ku beegan dagaalkii beder waxa ay qaadaan weeraro ay ku beegsadaan goobaha ciidanka iyo xarumaha dowladda.

Si looga hortago weeraradaasi ayaa ciidamada badan loo soo dhigay wadooyinka waaweyn ee agmara Madaxtooyadda Somaliya.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT