DHAGEYSO: Wararkii Ugu dambeeyay dagaal culus oo dhexmaray SHABAAB & Ciidamada Puntland

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe, Xiligii ay ku beegneed Saxuurta waxay weerar culus ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Badda Puntland ay ku leeyihiin Togga Balli-khadar ee Buuraha Galgala sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Dagaalka oo socday wax ka badan hal saac ayaa la sheegay in la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray Labada dhinac ee dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in muddo saacad ka badan ay maqlayeen rasaas culus iyo madaafiic taas oo soo gaartay ilaa saakay Saaladii Subax, sidoo kalane ay arkeyn rag hubeysan oo ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Weerarka ay Al-shabaab xalay ku qaadeen Togga Balli-khadar ee Buuraha Galgala ayaa ku soo aaday sanad kadib weerarkii xanuunka badanaa oo ay tiro badan oo ka mid ah Ciidamada Puntland ay ku dhinteen oo lagu qaaday deegaanka Af-urur ee gobalka Bari.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT