Home Arimaha Bulshada DHAGEYSO: Puntland oo Afka furatay ”Weerarkii Xalay Shabaab waxaa ka dambeeyay Somaliland..”

DHAGEYSO: Puntland oo Afka furatay ”Weerarkii Xalay Shabaab waxaa ka dambeeyay Somaliland..”

370

Maamulka Puntland ayaa ku eedeesay Somaliland in ay ka dambeeyeen dagaalkii xalay ka dhacay degaanka Bali Khaddar ee gobolka Bari.

Puntland waxa ay sheegtay in dagaalkaasi uu hoggaaminaayay nin kasoo jeedda Magaalada Hargeysa,islaamrkaana loogu tala galay in lagu dhibaateeyo maamulka Puntland.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Gudiga Difaaca Puntland oo warbahinta la hadlay ayaa ka hadlay dagaalka Puntland la gashay Al-Shabaab iyo xaaladda Tukaraq,waxaana ay sheegeen in ciidanka Puntland ay soo weerartay Argagixo caalami ah oo ay qayb ka tahay Somaliland.

Axmed Cabdulahi Yusuf Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka Puntland ay iska difaaceen Weerarkii xalay Shabaab ay kusoo qaadeen.

Wasiirka waxaa uu sidoo kale sheegay waxaa uu dagaalkan ku tilmaamay mid lagu hakinayo qorshaha Puntland ay kusoo ceshanayso degaanadda Gobolka Sool.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in ay dagaalka ku jireen sarakiil uu kamid yahay Maxamed Cabdulahi Bataar oo lagu xusay in uu ka tirsanyahay guutada 8aad ee Ciidanka Maamulka Somaliland,kana soo jeeda degaanadda Somaliland.

SHARE