DEG DEG: Sheekh Caan ah oo Goordhaw la dilay iyo sababta ka dambeysa dilkiisa

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in Kooxo hubeysan ay xalay Bartamaha magaalada ku toogteen mid ka mid ah Culumada ugu caansan degmada Baardheere.

Alle ha u naxariistee Shiikha la dilay ayaa lagu magacaabaa Shiikh C/raxmaan Shariif, waxaana la dilay xalay fiidkii hore sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee degmada Baardheere.

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa fuliyay dilka Marxuumka waxaana lagu soo waramayaa in dadkii dilay ka baxsadeen halkii ay falkaas ka geesteen, Ciidamada amaanka ayaan ku guleysan soo qabashada Gacan ku dhiiglayaashii dilkaasi fuliyay


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT