Home Wararka Dagaal goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo Sawiro Naxdin leh oo laga...

Dagaal goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo Sawiro Naxdin leh oo laga helay Daawo

1773

Iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeyay ciidano katirsan kuwa Xasilinta Caasimada iyo ciidamo Milatari ah oo degan xeradii ay ka baxeen Imaaraadka ayaa goordhaw ka dhacay Isgooska Kuliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa noo sheegay in mar qura ka war heleen dagaal ka dhax qarxay ciidamada Xasilinta iyo kuwa Milatari ah, dagaalka ayaana halkaasi ka socday mudo daqiiqado ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka uu hada joogsaday ayna socoto waan waan, wali lama oga waxa uu salka ku hayo iska hor imaadka dhax maray ciidamada kawada tirsan dowlada.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah oo watay Mooto bajaaj ayaa ku dhintay iska hor imaadkaasi goordhaw dhacay, waxaa sidoo kale dhaawacyo soo gaareen dad shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay.

Iska hor imaadkan labada ciidan dhax maray ayaa kusoo aadaya xili shalay galab iska hor imaad xoogan uu sidan oo kale xaafado katirsan degmada Dharkeenley ugu dhax maray ciidamo Milatari ah iyo kuwa katirsan Xasilinta Caasimada.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here