Home Wararka Muuse Biixi oo sheegay in isaga iyo Cabdi Weli Gaas ay 3...

Muuse Biixi oo sheegay in isaga iyo Cabdi Weli Gaas ay 3 qodob ku ballameen

437

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saxaafadda u soo bandhigay saddex qodob oo ay
Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ku dhexdhexaadiyaan Somaliland iyo Puntland oo uu ka baxay hoggaamiyaha
Puntland Cabdiweli Gaas, sida uu sheegay.

Madaxweyne Biixi oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, wuxuu Mr. Gaas ku eedeeyay inuu ka baxay
qodobadii ay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ku dhexdhexaadisay oo uu subixii xigay ogolaanshaha
heshiiskaas Somaliland ku soo qaaday dagaal.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya qodobada iyo cidda dhexhexaadisay wuxuu yidhi “Nimankaasi [beesha
caalamka] Jeenawari markii hadalku bilaabmay, waxaa yidhaahdeen waxa wanaagsan inaad wada hadashaan
Somaliya, waxaanu wada hadalnay ninka la yidhaahdo Farmaajo, Cabdiwali waa soo galay oo la hadal ayaa
isagana la yidhi waa ay khusaysaaye, isagana waanu wada hadalnay, tiraba saddex jeer oo ay khadka nagula
jireen ka Maraykanka iyo ka kaleba ( safiirka maraykanka iyo Ergayga Qaramada midoobay) ayaanu wada
hadalnay saddexda goorba Cabdiwali waxii uu yidhi waa uu ka baxay, kii ugu danbeeyay ayaan idiin sheegayaa
waxa uu weerarkii ugu danbeeyay soo qaaday 24-kii Bishan, 23kii sagaalkii habeenimo waxa ila soo hadlay
safiirka Maraykanka ee Nayboobi jooga, waxa uu igu yidhi waxaan doonayaa saddexdii qodob ee Michael
Keating uu idiin keenay in la fuliyo baritoole oo meeshaas aanu dagaal ka dhicin, waar nabadaba anigaa
kaa jecel waanan raacsanahay saddexdaas qodob, maxay yihiin saddexda qodob

1-Xabada hala joojiyo

2-Arimaha aadaminimada ha la ogolaado

3-hala sameeyo qaab ay labada taliye ee ciidanku ku wada hadli karaan si aanay ciidamadu si kadis ah
isugu dhicin oo aanay xabadi u bilaabmin.

Saddexdaba waanu ogolnahay,safiirku waxa uu igu yidhi saddexdaas ayaan doonayaa inaan goob joog ka
ahaado, Cabdiwali ayaa dhanka kale ku jira tilifoonka ogol, saddexdaba hore ayaan u ogolaaday laakiin
waxaan kuu sheegayaa safiirow ciidankiisii hadda waxay ii jiraan 500 mt, 7 Km na galabta ayuu ka soo
guuray weerarna waa uu u dhan yahay ilaa hadda ayuu soo socdaa oo inuu shantaas boqol ka soo dhawaado ayuu
doonayaa aroorta markay cadceedu soo baxdana weerar ayuu igu soo qaadayaa, aroorta haddii weerarkaas la
waayo nabad ayuu wadaa haddii uu dhacana waa waxiisii ee maxaan ka dhagaystaa, shantii iyo badhkiibuu
isagu soo bilaabay, kii kale ee ka horeeyay sidaas la mid ayay ahayd oo macaa Farmaajo waa uu ku jiray
khadka lagu wada hadlaayay.

Halkaygaas soo dhaafi maayo xabadna soo ridi maayo laakiin baritoole waxay noo tahay 15-kayagii shalayna
laba goobood ayuu iga soo weeraray oo waxa uu degaayay baraha uu bari iga soo weerari doono yaa balanqaad
I siinaya anaga oo dabaal daga ku jirna in aanu isoo weerarayn, ma galaayo ayaa laygu yidhi waanad
ogaydeen waxii ka dhacay, nin meel u jeeda xadhig ma xidhaayo, waxaanan arkayaa Puntland in aanay dani ugu
jirin dagaalka, mid ah siyaasad oo Somaliland waa gobal ka mid ah oo caasi garoobay oo dib ayaan u
muquuninayaa ah oo Xamar ka soo baxay oo la soo marinaayo Cabdiwali , markaas ninka wada hawsha ayaanu ka
wada hadlaynaa, dhaawacii miyaanu diyaarad u soo dirin oo aanu Xamar u gayn, miyaanu Turkiga u qaadayn
ciidankiisa dhaawaca ahaa, maaxaan miskiinkan Cabdiwali ee la isticmaalayo kala hadlayaa, haddii nabad la
doonayo nabada nin baa dabada ka wada.”

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay inay Hadaftimo rasaas ka rideen gaadiid dagaal oo uu Gaas soo diray si
dadka deegaanka loo baqo galiyo “Afar gaadhi oo tigniko ah oo ka yimi Garoowe waxay rasaas ka rideen
Hadaaftimo oo ah xarunta suldaan Siciid oo waxii Somaliya buuq ka dhacay aanay xabadi ka dhicin oo lagu
yidhi Somaliland ayaad taageeraysaa, markaas ninkii oday ah ee siyaasi ah kii madaxdhaqameed ah, kii wax
garad ah ee yidhaahda Somaliland ayaan ahay ama waa loo hanjabayaa ama danbibaad gashee maxkamad ayaa lagu
gaynayaa ama waa lagu dilayaa, xanba maaha, idaacadaha ayaa laysula soo fadhiistay, hada waa dadkii
deegaanka.”

SHARE