Home Muuqaalo DAAWO Baadari Xariif ah oo Taageerayaashiisa u sheegay in ilaah lasoo hadlay...

DAAWO Baadari Xariif ah oo Taageerayaashiisa u sheegay in ilaah lasoo hadlay Laguna amray in diyaarad loo gado..

245

Baadari caan ah oo sheegay in ilaahay u soo sheegay in uu gato diyaarad, kana dalbaday taageerayaashiisa in ay u iibiyaan diyaarad qaali ah

Baadari kusugan dalka Maraykanka ayaa dadka taageera waydiistay in ay u gadaan diyaaraddii afraad ee uu si khaas ah u adeegsado.

Arrintaas ayuuna ku macneeyay “in nabiyulahil Ciise calayhi salaam uusan dameer raaci doonin marka uu soo dago”.

Jesse Duplantis oo ah baadari uu fadhigiisu yahay Louisiana ayaa muuqaal uu iska duubay ku sheegay in markii hore uu ka labolabaynayay gadashada diyaaraddaas “balse Illaahay u sheegay in uu gato diyaarad cusub oo nooceedu yahay Falcon 7X”, taas oo qiimaheedu dhan 54 milyan oo doolar, si uu dacwada baybalka si wanaagsan dadka ugu gaarsiiyo.

Sannadkii 2015kii ayuu Duplantis ka soo muuqday muuqaal baadari kale oo sheegaya in ku safridda diyaaradaha ganacsiga ay la mid tahay “tuubo dheer oo shayaadiin ka buuxaan oo kale”.

Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa ku baaqay in lacagta intaas la la eg loo adeegsado in masaakiinta lagu garab qabto.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

SHARE