Home Muuqaalo DAAWO: Al Shabaab oo Baahisay Muuqaalo Naxdin leh oo ay ka duubeen...

DAAWO: Al Shabaab oo Baahisay Muuqaalo Naxdin leh oo ay ka duubeen iyagoo dilaya shaqsiyaad dowlada katirsan..

659

Mu’asasada Alkataaib oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeeysay baahisay filim cusub oo ay kusoo bandhigeyso weerarada dilalka qorsheysan ah iyo qaraxyada ee ciidamadooda loo yaqaan amniyaadka ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose.

Filimkaan ayaa lagu soo gudbiyay howlgallada ay fuliyeen Guutada Amniyaadka ee Al-Shabaab ay ku magacaawday Maxamed Bin Maslama oo ay sheegtay inay beegsadaan saraakiisha iyo madaxda dowladda Federalka.

Filimka ayaa waxaa kasoo muuqanayay marka ugu horeysa dagaalyahanada dilalka fuliya oo tababar ku qaadanaya xero gaar ah oo aanan la ogeyn halka ay ku taalo kadibna waxaa muuqaalka filimka lagu soo bandhigayaa howlgallo dilal qosheysan ah oo dagaalamayaasha ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku beegsanayaan Saraakiil ciidan, Ergooyinka soo xulay xildhibaanada iyo shaqaale ka tirsan dowlada federalka Somalia.

Filimka waxaa lagu soo bandhigay qaraxyo ay Al-Shabaab la beegsaneyso ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee kusugan dalka oo qaar kamid ah gaadiidkooda la qarxinayo.

Muuqaalka waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya qarixii bishii Maarso ee sanadkan ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose kaasoo lagu dilay xildhibaanadii Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo lagu magacaabi jiray C/Qaadir Baraf oo ahaa wasiiru dowlihii amniga ee koonfur galbeed, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabi jiray Axmad Cabdi Faarax Kaboweyne oo ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

SHARE