Home Wararka AKHRISO: Wasiirada Puntland oo soo saaray Qodobo ka sii hurinaya dagaalka Tukaraq

AKHRISO: Wasiirada Puntland oo soo saaray Qodobo ka sii hurinaya dagaalka Tukaraq

158

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha Wasiiradda ee dawladda Puntland ayaa looga hadlay arimaha ka aloosan gobalka Sool, gaar ahaana dagaalada u dhaxeeya Puntland iyo Soomaliland.

Golaha ayaa ku dheeraaday ka hadalka dagaalkan, waxayna sheegeen in aysan Puntland marnaba ka laaban doonin soo celinta gobalada maqan.

Waxaana war qoraal ah oo laga soo saaray arrimahan lagu yiri ”Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu soo qaaday Puntland iyo caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo shacabka degmada Laasnaacood, sidoo kale waxay goluhu u sheegeen guud ahaan shacabweynaha Puntland in duulaan lagu hayo dalkooda iyo jiritaan-kooda loona baahan yahay inay garab istaagaan Dawladdooda iyo ciidamadooda u taagan difaaca dhulkooda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Puntland waxay cadeysay in dagaalka lasoo qaaday aysan Somaliland ka faa’iidi doonin waxaana lagu yiri go’aanka ”Sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Hargeysa.

 

Daawo Mustafa Easta oo china tagay oo dadki dhan ka yaabshay kadib marki oo tusay xoogiisa

SHARE