Home Wararka Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Alle bariga Kenya

Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Alle bariga Kenya

282

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya wali ku sugan wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasi oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kullan la qaatay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana mas’uuliyiinta labada dal ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan.

Haddaba waxyaabihii ka soo baxay kullanka labada madaxweyne ayaa Weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato waxaa uu wax ka weydiiyay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ay sheegtaan Islaannimo balse ay magaca ka dilaan Islaamka.

Wuxuu intaas ku daray in Al Shabaab ay layso dad aan waxba galabsanin.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan duco ah oo Kenya ay qabsato sannad walba ayuu ku sheegay in ay tahay maalin wayn oo lawada ducaysto.

DAAWO QISO MURUGO LEH CIDI KA DANBEYSAY SILICI GABADHI AJAANIB KU GUURSADAY

SHARE