Digniin culus oo la shaaciyay iyo Al Shabaab oo damacsan Qorshe Halis ah…

Booliska Kenya ayaa soo bandhigay magacyadda iyo sawiradda 2 nin iyo haweeney ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo doonaya inay bishan barakeysan ee Ramadaan weeraro ka geystaan Kenya.

Eedeysanayaasha la badi-goobayo waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mumina Eroba, Ibrahim Mohammed oo lagu naaneyso shariif bin kulul iyo Ahmed Dabar.

Waxa kale oo uu ku lug lahaa weerar bishii Feberaayo ee sannadkan lagu qaaday macallimiin wax ka dhigi jirey dugsiga Hoose ee Qarsa oo ku yall Degmadda wajeer.

Qoraal ka soo baxay booliska Kenya ayaa lagu sheegay in Ibrahim Mohammed uu ku dhuumaalaysanayo Dhulka Buurleyda ee Goblka Gedo.

Booliska ayaa dadka ku nool magaalooyinka Kenya uga digay inay halisaha ay maleegayaan maleeshiyaadka Seddexda ah oo ay soo bandhigtay dowlada.

Dhinaca kale, Booliska waxa uu dadka shacabka ah ugu baaqay in shaqsiyaadkaasi ay macluumaadkooda lawadaagan Hay’adaha amanka si looga hortago khataraha ay maleegayaan.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT